Romelu Lukaku oo Farta Ku Fiiqay Halyeyga Old Trafford

Weeraryahanka cusub ee kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa doonaya inuu gaaro heerka lamid ah xiddiga afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo ka dib markii uu u dhaqaaqay Old Trafford.

Romelu Lukaku ayaa doonaya inuu raaco mustaqbalkii Cristiano Ronaldo ee kooxda Manchester United, taas oo ka saacidi karta inuu gool badan dhaliyo islamarkaana koobab kula guuleysto kooxda Jose Mourinho.

Lukaku ayaa Everton u dhaliyay 25 gool oo Premier League ah xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, ka hor inta uusan £ 75m ugu dhaqaaqin Manchester United.

Wadar ahaan ciyaaryahanka 53 ayuu u dhaliyay kooxda Everton muddo saddex sanno ah oo uu ka tirsanaa.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa dhaliyay labo gool safar ciyaareedka ka horeeya xilli ciyaareedka oo ay kooxdiisa ku joogto Mareykanka.

Lukaku ayaa min gool ka dhaliyay kooxaha Real Salt Lake iyo Manchester City, markaasoo guulo muhiim ah gaartay kooxdiisa Manchester United.