Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Adxaa u diray dhammaan dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama maanta ay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.
Guud ahaan Umadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka Caalamka iyo gobolada dalka ayaa si weyn ugu diyaar garoobay in maanta ay u dagaal degaan farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Maxamed C/wahaab C/laahi, Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda si weyn loogu soo dhaweyn doono Xarunta Dhexe ee Idaacadda, sidoo kalena dhageystayaasha loo diyaariyay barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah, kuwaas oo ay bixinayaan shirkada saaxiibka la’ah Radio Risaala.
Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.



