Real Madrid Oo Xasuuqday Real Betis Ciyaar Uu Xiddig Sare Ka Ahaa Isco

Real Madrid ayaa kusoo noqotay wadda guulaha kadib markii ay bar bardhacyo is xig xiga ay gashay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana ay ku ciil baxday naadiga Real Betis.

Raphael Varane ayaa bilaaway bandhiga goolasha kadib markii uu dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.

Karim Benzema ayaa raacsaday goolka xiga ee ciyaarta, taas oo ka dhigan in labada gool ee ay Madrid hogaanka ku qabatay ay dhaliyeen xiddigo u dhashay dalka Faransiiska.

Shan daqiiqo ka hor intan aan la marin qeybta hore ee ciyaarta Marcelo ayaa hogaanka u dheereeyay kaas oo ka dhigay in Los Blancos ay 3-0 ku hogaamiso Real Betis.

Real Madrid oo go’aankeedu ahaa in ay goolal badan ka dhaliyaan Betis madaama Barcelona oo ka horeysay ay ku badisay 4-0, si lamid ah Atletico Madrid ay iyana ku adkaatay 7-1, ayaase markan heshay goolka afaraad ee ciyaarta waxaana dhaliyay Isco.

Betis oo saluugsan sida ay wax ku socdaan ayaa heshay gool agoon ah kaas oo ay dhareerka iskaga tireen waxaana u dhaliyay Alvaro Cejudo, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-1 oo ay hogaanka ku hayaan kooxda Madrid ka imaata.

Isco oo lala yaaban yahay ayaa yiri markale maxaa ii diidaayo in aan isbaro Zidane waxaana uu dhaliyay goolka SHanaad ee ciyaarta isagoona ka dhigay 5-1.

Cristiano Ronaldo oo aan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan madaama uusan wax gool ku lahayn Shan gool oo ay horay u dhalisay Real Madrid ayaa isna waxaa uu yiri markayga Ii fiiriya, isagoona shabaqa soo taabtay mudo dheer kadib waxaana uu natiijada kusoo abyay 6-1in looga adkaado kooxda ka imaata Sevilla ee Real Betis.