Barcelona waa mashiin oo kale, kuwaas oo ay u badan tahay in ay kubada inteeda badan ka heystan kooxda Manchester City Arbacada, sida uu sheegay tababaraha kooxda Premier League Pep Guardiola.
macalinka reer Spain ayaa ku guuleystay koobka Yurub laba jeer isagopo ah tababaraha Barcelona.
Waxa uu dib ugu laaban doonaa Camp Nou kulan katirsan Champions League todobaadka soo socda isagoo hogaaminaya kooxda City.
“Barcelona waxa ay u ciyaaraan qaab waali ah waa sida mashiin,” ayuu yiri macalinkaan.
Iyadoo madaxdii hore ee Barcelona Ferran Soriano iyo Txiki Begiristain ay kaga horeeyaa shaqada kooxda City, Guardiola ayaa hadda ah tababaraha kooxdaan isagoo rajeynaya inuu guulo la gaaro.


