Naadiga Juventus ayaa qaab ciyaareedkeedii wanaagsanaa sii waddata kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kulankii lawada sugayay ee u dhaxeeyay Juve Iyo Udinese kulan ka tirsan horyaalka Serie A da dalka Taliyaaniga.
Wiilasha Allegri ayaa doonaya in markale ay difaacdaan horyaalka kadib silsiladahoodii guulaha ahaa ee soo tixnaa tan iyo taliskii Antonio Conte isagoona doonaya in xilli ciyaareedkan uu ku guuleeysto Saddex koob iyo wax ka badan.
Udinese oo sanadkan qaab ciyaareed wanaagsan ku jirta ayaa gacanta ku hormartay waxaana daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta goolka koowaad siiyay xiddigooda Jakub Jankto, taas oo cariiri galisay jamaahiirtii isku timid garoonka Juventus Studium ee magaalada Turino.
Balse Marwada Duqda oo aan wal wal badan uusan ku hayn goolka laga dhaliyay ayaa heshay goolka bar bar dhaca waxaana u dhaliyay wiilkooda reer Argentina Paulo Dybala kaas oo qaab ciyaareedkiisu uu liito xagaagan.
Lix daqiiqo kadib markii dib la iskugu soo noqday ciyaarta markale Paulo Dybala ayaa hogaanka u dhiibay taas oo keentay in The Old Laddy ay gaarto guusha kulanka madaama ay kaga adkaatay dhigeeda Udinese 2-1.


