Real Madrid oo markale xiddig muhiim ah kasoo qaadaneysa Tottenham

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli ayaa diirada u saaran Real Madrid, sida uu sheegay Don Balon.

Madrid ayaa xiriir la sameysay kooxda waqooyiga London – ninka madaxda ka ah ee Daniel Levy –

ka dib markii ay ka iibsadeen Luka Modric iyo Gareth Bale La Liga, Real Madrid ayaase hadda ka fakireyso in ay iibsato Dele Alli.

Kooxda reer Spain ayaa haatan waada qorshe gaar ah oo ay kuso gabagabeyneyso saxiixa Dele Alli oo bandhig wanaagsan ku heysta kooxdiisa,

Alli oo 19 jir ah ayaa kala soo saxiixday Spurs kooxda League One ka dhisan ee MK Dons, oo ay kasoo siisteen £ 5 million bishii Febraayo 2015.