Real Madrid oo Man City ka reebtay finaalka Champion-ka

Real Madrid oo lugtii 1-aad ee semi-finalka Champions League-ga bar-barro 0-0 ah kusoo gashay dalka Enlgland ayaa lugtii 2-aad garoonkeeda Bernabeu kusoo dhoweysay kooxda Man City.

Inkastoo ay Man City tahay koox xooggan oo ay markii ugu horeysay heerkan kasoo gaartay tartankan,haddana waxay dad badan aaminsan yihiin in Real Madrid ay tahay koox kaga khibrad badan Champions League-ga, maadama ay 10 jeer ku guulleysatay koobkan.

Karim Benzema iyo Casemerio ayaa dhaawac uga maqnaa Madrid halka uu soo laabtay Ronaldo oo ah laacibka ay ku tiirsan tahay kooxda,- dhanka kale, Yaya Toure oo seegay lugtii hore ayay dib u heshay City,taasoo aheyd arin khal-khal ku abuurtay Los Blancos.

Si waliba, kubadda ayaa ku bilaabatay qaab deggan oo ku dhisan kala cabsi, sidaas oo ay tahay Real oo kaashaneysa taageerayaasheeda ayaa waxoo yara orad badneyd, waayo waajib ayay ku aheyd inay gool u dhaliso.

Iyadoo ay cayaarta mareyso 9-daqiiqo, Kampany oo ah daafac ay ku tashato City ayaa dhaawac muruqa ah garoonka looga saaray,waxaana booskiisa soo buuxiyay Mangala oo ah nin caan ku ah qal-qalka iyo cabsida.

Daqiiqaddii 20-aad, baas uu xi xirfadeysan u dhiigay Carvajal uuna darbo awood ah sii raacsiiyay Bale ayaa waxay kusii dhacday Fernando,kadibna shabaqa ay meel sare ka gashay iyadoo uu celin waayay gool-haye Hart.

Waxii intaas ka dambeeyay Madrid ayaa dhowr iskudayo sameysay ,waxayna la wareegtay maamulka garoonka iyadoo Modric uu ahaa Mashkiinka ugu halista badan,hase ahaatee, Fernandinho ayaa ku sigtay inuu bareejada u keeno City,balse birta ayuu ku xoqay baas uu ka helay De Brunye.

Si waliba, 1-0 oo ay hoggaanka heysay Real Madrid ayaa lagu kala nastay qeybtii kowaad.

Markii la’isku soo laabtay, dagaalka ayaa halkiisii kasii socday,iyadoo labada macallinka ay sameeyeen is-baddelo waa-weyn,-waayo koox kasta waxaa ka hormuuqday finalka Milano.

Si kastaba, qeybtii 2-aad ee cayaarta ma jirin fursado badan oo la buuray,laakiin waxaa jirtay in hal mar uu Aguero darbo halis u muuqatay ku riday gool-hayeha Real,taasoo meel sare ka martay birta.

Gabo-gabadii, Real Madrid ayaa 1-0 ku garaacday Man City, sidaas ayayna ku gaartay finaalka Champions League-ga oo ay hadda xaadir ku tahay Atletico Madrid.

-Waa markii 2-aad oo labo koox oo Spain ah ay 3 sano gudahood ku kulmaan finalka Champions League-ga,taasoo daliil u ah sida horyaalka La Liga-ha uu u yahay kan ugu fiiican dunida.