Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay dalab 250 milyan oo ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.
Iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France loo tixgaliyo inuu yahay hantida ugu qiimaha badan PSG, ayaa haddana waxaa harsan qandaraaskiisa in ka yar labo sano iyo bar taasoo shaki galineysa mustaqbalkiisa.
PSG ayaa la rajeynayaa inay sameyso isku day kasta oo ay ku sii heyn karto ciyaaryahanka, kaasoo dhaliyay 82 gool 104 kulan uu saftay tartamada oo dhan.
Si kasta ha ahaatee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, Real ayaa wali sii wadaysa kormeerkeeda xaaladdaan ka hor inta aan la gaadhin bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
Los Blancos ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay ku qarash gareyso saxiixa ciyaaryahankaan 250 milyan ginni, iyadoo si raaxo leh u buuxineysa in kabadan lacagta ay PSG kusoo iibsatay Neymar 2017.
Liverpool ayaa sidoo kale lala xiriirinayay 21-sano jirkii waqti hore.