Goolhayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa lagu soo waramayaa inuu u dagaalami doono booskiisa kooxda ka dib markii uu kursiga keydka galay kulankii ay Blues barbaraha 2-2 la gashay Leicester City sabtidii.
Ciyaaryahankii hore ee kooxda Athletic Bilbao ayaa cadaadis kala kulmaya qaab ciyaareedkiisii isbuucyadii u dambeyay, waxaana uu arkay Willy Caballero oo laga soo xushay kulankii garoonka King Power Stadium.
Sida laga soo xigtay The Sun, ilo ku dhow dhow goolhayaha reer Spain ayaa sheegay inuu weli ka go’an tahay inuu u dagaallamo booskiisa, laakiin wuxuu la yaabay go’aanka Frank Lampard ee ah inuu isaga baxo.
Lampard ayaa qiray inuu xumaa bandhiga Kepa isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin 25 jirka ayaa lagu soo waramayaa inuu dareensan yahay in daafaca isaga ka horeeya ay ka qeyb qaateen qaab ciyaareedkiisii xun.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Chelsea ay si taxadar leh ula socoto xaaladiisa isla markaana laga yaabo inay iska iibiso suuqa xagaaga.
Kepa wuxuu qaataa mushaar dhan £ 170,000 isbuucii wuxuuna Chelsea kaga soo biiray £ 71.6m Agoosto 2018 kooxda Athletic Bilbao.



