Dowladda Somalia oo digniin u dirtey Kenya (War-Saxaafadeed)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda ay ka xun tahay faragelinta ay Kenya ka wado Gudaha Soomaaliya taas oo aan u wanaagsaneyn danaha labada dowladood.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ammaanka Xaduudaha ay mas’uul ka yihiin Caasimadaha labada dal,isla markaana loo baahan yahay inay ka wada Shaqeeyaan sidii labada Shacab ah si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga digtey in Ciidamada ka jooga Soomalaiya ee ku howlgalla Magaca AMISOM aysan u adeegsan faragelinta Arrimaha Siyaasada Gudaha iyo khalqal gelinta Amniga dalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.