Real Madrid Oo Ku Laaban Kari Weyday Magaalada Madrid

Real Madrid ayaa ku laaban kari weyday caasimadda waddanka Spain ee Madrid, waxaanay habeenkii saddexaad ku sugan yihiin Pamplona.

Los Blancos ayaa habeen hore xilli dambe gaadhay Pamplona ka hor ciyaartii xalay ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Osasuna, laakiin markii ay ciyaartaas oo garoon baraf fadhiyo lagu dheelay soo dhamaatay ayay kooxdu ku qasbanaatay inay seexato isla magaaladaas.

Maanta oo la filayay inay ku laabtaan Madrid ayay suurtogeli weyday, waxaana garoomada diyaaradaha Madrid buuxiyey baraf sabab u noqday in aanu safarku badqab ahayn.

Cimilada Magaalada Madrid ayaa la saadaalinayaa inay kasii dari doonto maalmaha soo aaddan, sidaas darteed waxay Zidane iyo xiddigihiisu caawana ku xannibnaanayaan magaalada Pamplona oo ay u noqonayso habeenkii saddexaad ee ay u hoydaan halkaas.

Real Madrid ayaa waxay hadda isku diyaarinayaan in maalinta berri ee Isniinta ah ay u duulaan magaalada kale ee Malaga oo ay kusii qaadan doonto tababarka, iyadoo magaaladaasi martigelinayso semi-finalka Spanish Super Cup oo ay Real Madrid la ciyaarayso Athletic Bilbao Khamiista toddobaadkan.

Go’aanka ay Real Madrid ugu duulayso Malaga ayay ka fiirsanaysay 24kii saacadood ee ugu dambeeyey ee ay xaaladduna ku xumayd, waxaana ugu dambayntii ay go’aamiyeen in Malaga ay kasii dagaan halkii ay kusii xannibnaan lahaayeen Pamplona, isla markaana ay isku diyaariyaan ciyaarta Athletic Bilbao ee Khamiista.

Inkasta oo ay Real Madrid qorshaysatay safar subaxnimada berri oo Isniin ah, haddana waxay ogolaansho ka sugi doonaan dawladda maadaama cimilada waddanku wali cakiran tahay.