Rashford oo ku biiray liiska dhaawaca United

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Man Utd Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in weeraryahanka Marcus Rashford uu shaki ku jiro kulanka soo socda inuu u ciyaaro kooxdiisa ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii barbaraha 0-0 ay la galeen Liverpool.

Rashford waxaa lagu qasbay inuu sii joogo 90 daqiiqo markii United ay isticmashay dhamaan bedeladeeda qeybtii hore.

Ander Herrera, Juan Mata iyo Jesse Lingard ayaa dhamaantood dhaawacmay, taasoo ciyaarta ku adkeysay United.

“Hadii uu ciyaaro kulanka soo socda, waan la yaabi doonaa,” ayuu yiri Solskjaer ka hor kulanka horyaalka ay la leeyihiin Crystal Palace habeenka Arbacada.

“Marnaba uma arko inuu ciyaari karo,” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Saddex jeer ayuu k a cawday dhaaawac muruqa ah intii ay ciyaartu soctay.