Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay in dhacdada uu sameeyay goolhayaha Kepa Arrizabalaga kulankii finalka Carabao Cup ay ku timid qalad si faham darro ah ku dhacay.
Rikoorka goolhayaha ugu qaalisan dunida ninka heysta kaasoo 71 milyan oo ginni ku yimid Chelsea ayay isku dhaceen tababaraha Talyaaniga kaasoo qorsheeyay inuu bedelo waqti dheeri ahaa kulankii Manchster City ay ku badisay rigoorayaasha.
Sarri waxa uu u muuqday mid careysan, waxaana uu u dhaqaaqay dhanka tunnel ka hor inta uusan si dhaqso ah dib ugu soo laaban garoonka.
“Waan fahamsanahay dhibaatada waxaana kaliya gartay inay tahay xaalad gaar ah markii uu dhakhtarku iigu yimnid kursiga keydka,islamarkaana wax walba ii sharaxay” ayuu yiri Sarri.
“Waxaan weydiiyay in isbeddel jir ahaan ah uu ku dhacay isaga maadaama uu dhaawac gaaray laba jeer, wuxuu yiri: ‘Dhib malahan hadda wuu saxan yahay.



