Ramsey oo farxad galiyay Jamaahiirta Arsenal

Aaron Ramsey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hoos ciyaarayo tababaraha cusub ee Arsenal Unai Emery, waxaana uu rajeynayaa inuu saxiixo qandaraas cusub todobaadyada soo socda.

Ramsey ayaa loo arkaa furaha mashruuca dib u dhiska tababare Emery ka bilaabay London ka dib markii 22 sano oo uu Arsene Wenger hogaaminayay kooxda soo idlaaday.

Xiddiga reer Wales ayaa kor u qaaday rajadiisa ah inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Ramsey ayaa sheegay inay ku dhiirogelisay fikradaha iyo falsafada tababare Emery inuu sii joogo Gunners.

“Weli ma aanan wada gaarin heshiis, weli waxaan heystaa hal sanno, waana ku faraxsanahay inaan halkaan ka ciyaaro,” 27 jirkaan khadka dhexe ayaa sidaasi u sheegay saxaafada.

“Waxaa jiro fursad weyn xilli ciyaareedkan maadaama tababaraha cusub uu sii wadi doono shaqada, waxaana rajeynayaa inuu tartanka ku bilowdo si fiican, sidaasi darteed waa inaan qandaraas cusub saxiixo” ayuu yiri Ramsey.