Kadib guushii soo laabashada laheyd oo ay Real Madrid ka gaartay Villarreal kulankii ka dhacay Estadio de la Ceramica markaas oo ay hogaanka dib ula wareegeen ayuu kabtanka kooxda Los Blancos Sergio Ramos u jawaabay Dani Alves.
Sergio iyo Dani waxey waqti kusoo wada qaateen kooxda Sevilla ee dalka Spain inkastoo labadooda ay waqtiyo badan isku wajaheen kulanka El-Clasico hadana Alves oo haatan ah xidig ka tirsan Juventus ayaa sheegay in Sergio Ramos uu shaki galiyay inuu qirto jaceylka uu u qabo Sevilla.
“Hadaladaas waxey ka yimaadeen dani Alves, kaas oo hal sano jeclaaday Brazil, mid kalana go’aansaday inuu jeclaado Spain kii xigayna jeclaaday Italy” Ayuu yiri Sergio Ramos.
“Dareenkeyga ma cabiri karo, waxaadna dhalatay adigoo leh ama aanan laheyn, dhib ma lahan hadii uu qof sidaas i yiraahdo” ayuu mar kale yiri Sergio.
Intaas waxaa sii dheer in daafaca reer Spain uu ka dhawaajiyay inuusan Los Blancos u arkin mid si aad ah uga duwan dhanka kale.
“Si fiican uguma fakarin, waxaan jeclahay inaan ciyaaro qaabkeyga ugu fiican intaan kulanka ku jiro, waa inaan taxadar siinaa kuwa naga soo horjeeda”
“Wax ayaan ka baraneynaa qaladaadkeena, waana inaan ku dadaalnaa kuwa u joogteeya sida ugu macquulsan”


