Ra’iisul Wasaare Xamse & mas’uuliyiin kale oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Abdi Bare oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu wada in maalinta beri ah ka Furmo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ay tagaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.