Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo Caasimada Kmg ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya halkaas