Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay dalka Kenya

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay waddanka Kenya, gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Mombasa, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Shirka Mombasa kaddib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta saxafaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Booqashada Kenya ee Ra’isul Wasaare Rooble ayaa imaaneysa maalin kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay booqasho ku timid magaalada Muqdisho.