Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee QM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kula kulmay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.
Maanta ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu uga qeyb galo Magaalada Geneva Shir looga hadlayo Arrimaha Abaaraha ba’an ee kajira Geeska Afrika.
.



