Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddi Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Xubnaha Guddiga ka kooban 15 kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuue Maxamed (Filish), waxaana Shaqadooda ay ku egtahay markii ay dhamaadaan munaasabadaha Maalmaha Xorriyada, waxayna kala yihiin.

1- Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta

2- Mudane C/llaahi Max’ed Nuur Wasiirka Amniga

3- Mudane Clqaadir Max’ed Nuur Wasiirka Gaashaanshigga

4- Mudane Durraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

5- Mudane C/maan Ducaale Beyleh Wasiirka Maaliyadda

6- Mudane Xamza Saciid Xamza Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha

7- Marwo Khadija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka.

8- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

9-Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada

10- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

11-  Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

12- Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimaha Madaxtooyada

13- Mudane Maxamed Ibraahim Nuur Xoghayaha Joogtada Xafiiska  Ra’iisul Wasaaraha

14- Amiina Axmed Samatar Agaasimaha Xoghaynada & Keydinta Qoraalada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha

15- Hinda Axmed Cali Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Madaxweynaha

16- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada.

Shaqooyinka ay qabanayaan Guddiga la Magacaabay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1- In ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda 26Juun iyo 1Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta

3- In ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha Xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

4 In ay magacaabaan guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5- In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha

6 In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo 2022.