Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo Mareykanka uga qeyb galay shir

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa halkaasi kaga qeyb galay shir looga hadlayay dib u soo kabashada dowladdaha ka soo kabanaya dagaalada sokeeye iyo sidii wax looga qaban lahaa dowladahaasi.
Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in shirka lagu casuumay Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Bankiga Adduunka, waxaana uu intaa ku daray in qeyb weyn ay ka qaateen shirka oo uu soo bandhigay horumarada ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo maareynta dadka gudaha dalka ku barakacay.
Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay kala hadleen inay wax ka badalaan qaabkii hore ee ay Soomaaliya ku caawin jireen, kaasi oo rajo wanaagsan ka muujiyay, maadaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaado sokeeye.