Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Madaxa howgalka la dagaalanka Burcad Badeeda ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kulan la qaatay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda Rob Margowan, ayagoona kawada hadlay sidii loo la dagaalami lahaa kooxaha burcad badeeda.
“Xukuumad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan isu kaashano la dagaalanka kooxa burcad badeedda, si aan u joojino dhalinyarada ku biireyso kooxahaas; waa inaan isku kaashanaa sidii shaqo abuuris loogu sameeyn lahaa dhalinyarada degan dhul xeebeedka ee ay u sahlantahay iney ku biiraan kooxahaas’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay
“Waan idinkaga mahadnaqayaa sida aad ugu dadaaleysaan ka sifeynta kooxa burcada badda Soomaaliya oo muhiim u ah qaaradda iyo aduunkaba’’