Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Germany sigmar gabriel ayaa Maanta soo gaaray Garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho , waxaana soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Wasiirka ayaa hadda kulan kuleh Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha Soomaaliya Yuusuf Gaaraad.
Ujeedka ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale qiimeynta Abaaraha ka jira Soomaaliya.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


