Sadiq al-Mahdi oo haa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta oo Sudan iyo dunidaba magac ku lahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah .
Wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuun ka Coronavirus.
Sadiq al-Mahdi oo ahaa 84 jir wuxuu Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989



