Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Doolow ujeedka safarkiisa

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa Maanta lagu wadaa inay gaaraan degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha oo Safarkiisa ay ku wehlin doonaan Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa halkaasi u tegaya in uu u kuurgalo saameynta ka dhalatay fatahaadaha Webiga iyo Roobka daadadka watay oo ay dhibaatooyinka kala duwan kasoo gareen dadka Shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona, mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland eek u sugan degmada Doolow, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isaga oo kala hadli doona u gurmashada dadka ay saameeyeen Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in in Ra’iisul Wasaaraha uu qorsuhu ahaa in uu booqdo Buundooyinka ku burburay fatahaadaha, balse sababo aan la shaacin uu uga baaqsaday.

Sidoo kale Warraka ay Warbaahinta Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre markii uu kusoo laabto Magaalada Muqdisho uu Maalma kadib tegi doono magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.

Gobolka Gedo waxaa uu kamid yahay Gobolada ay sidawyen u saameeyeen fatahaadaha Wabiyada iyo Roobka Daadadka wata, waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 Ruux, halka Boqolaalkun oo Qoys ay ku barakaceen.