Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo si toos ah ugu biiray Mucaaradka

Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa madaxdii hore ee ku dhow dowladda Xasan Sheekh, isla markaana xubno uu watay xilal laga siiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya ayey isku dhaceen dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu bilaabay dhaqdhaqaaq mucaaradnimo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Maxamed Xuseen Rooble laga xayiray ‘Warqadii dalabka Fiisaha’ isagoo doonayay inuu safar ku tago dalka South Africa. Rooble ayaa codsigiisa sii mariyay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo uu degan yahay, balse laga hor istaagay, taasoo keentay safarkiisa berri ku geli doono Baasaboorkiisa Swedish-ka ah.
Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo Xasan Sheekh kala shaqeeyay in dib loo doorto ayaa dano dhaqaale ku heystay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxaa muuqata inay hadda kala tageen.