Ra’iisal Wasaare Xamse oo dhiirageliyay Hormarka ganacsi ee ka jira Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre  ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda  Muqdisho uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay ganacsatada ganacsiyada  Kaalinta ay ka qaadayaan Hormarka oyo kobaca  dhaqaalaha dalka .