Rag lagu Eedeeyay la shaqeeynta Alshabaab oo Hawlgal lagu soo qabtay

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in Ciidanka daraawiishta Galmudug oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ay  gacanta ku soo dhigrrn  ku dhawaad 10 ruux oo ku eedeysan ay la shaqeetaan  Al Shabaab iyo in ay Sirdoon  u ahaayeen.

Raggan la soo Eedeeyay in ay Al Shabaab la shaqeenayeen ayaa ciidamada ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Camaara iyo xinlabi ee dhaca koofurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay in soo qabashada ragan ay ka dambeysay kaddib markii shacabka deegaanka ay lasoo wadaageen xogta ragaan, kuwaas oo Al Shabaab kala shaqeyey weerarkii ay ka fuliyeen deegaanka Xinlabi.

Raggan lasoo qabtay ayaa la sheegay in lagu sameenayo baaritaanno la xariira dambiga lagu tuhmayo, waxaana saraakiisha ciidanka u digeen dadka la shaqeeta Alshabaab ee degaanada Halmudug ku sugan.