Boosaaso-RisaalaFM– Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, rag hubeysan ayaa caawa fiidkii waxa ay magaaladaasi ku dileen nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Cumar.
Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegeen ninka la dilay inuu ahaa Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Marxuum Cabdullaahi ay rasaas jirkiisa sare kala dhaceen rag hubeysan, xilli uu ka soo baxay Masjid uu salaada cishaha ku soo tukaday.
“Caawa salaadii cishaha kadib waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dil loo geystay Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis, rag hubeysan ayaa dilay, wayna baxsadeen, ciidamo badan ayaa yimid goobta uu dilka ka dhacay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabay hawlgal looga daba tagayo raggii dilka geystay, waxaana dilkan aad u hadal haya dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso.



