Rabshadaha Hong Kong oo xoogeystay

Deegaanno ka tirsan Hong Kong ayaa waxaa ka dhacayay iskudhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibadbaxayaasha u ololeeya dimuqraadiyadda.

Degmada Wan Chai, bambo gacmeed quraarado laga sameeyay oo uu batrool ku jiro ayaa la ganay xilli boolisku ay rideen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dibadbax markii hore la sharciyeeyay oo ka dhacay fagaaraha Victoria ayaa waxa uu noqday mid sharciga hareer marsan kaddib markii dibadbaxayaashu ay ku fideen waddooyinka halkaas ku xeeran.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan Hong Kong ayaa sheegaya in xaaladdu ay si weyn isu badeshay kaddib markii boolisku uu degdeg ku soo farageliyay arrinta halkaas oo ay ka bilaabatay xaalad ku dhufo oo ku dhaqaaq ah oo ay dibadbaxayaashu isticmaalayeen.

Waa todobaadkii 10-aad ee xiriir ah oo ay deegaankaasi ka dhacayaan dibadbaxyo dowladda loogaga soo horjeedo.