R/ Wasaare Xamse oo Culimada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan la dagaalanka Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka kana dalbaday Culimada Soomaaliyeed  in ay ka qayb qaataan la dagaalanka Alshabaab.

Munaasabadda Xuska sheikh C/qaadir Jeylaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.