R/wasaare Kheyre oo daah-furay xarunta Gurmadka deg-degga ah ee Ciidanka Booliiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyeen wasiirro, taliyaha ciidanka booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (Otto Otto) oo dib loo dhisay.

Xarunta oo waayihii dambe ay ku shaqaynayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayaa dib loogu wareejiyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay u hawl gelinayaan adeegga gurmadka deg-degga ah .

Xarunta Otto Otto ayaa dib loo dayac-tiray kadib markii  Al-Shabaab ka fuliyeen weerar  July 08, 2018.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska xerada Sheelare ee ciidanka daraawiisha booliiska Soomaaliyeed oo ah ciidan ka hor taga rabshadaha, kana  howl gala xudduudaha dalka iyaga oo la fal galaya ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda sannad guurada 75-aad ee aasaaska Booliiska Soomaaliiyed aawadeed, waxa uu gudaha xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyee ee General Kaahiye dhigay Ubax lagu xasuusanayo shuhadadii ciidanka Booliiska ee dhiiggooda u huray qarannimada Soomaaliya.