Qodobo kasoo baxay Kulankii Axmed Madoobe & Taliyaha AMISOM

Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam & Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo Maanta  gaaray  Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland,isla markaana ay ka wada qeyb qaataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada la hadlay ayaa   sheegay in labada dhinac ka hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markaana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.

Sidoo kale waxaa hadalkiisa intaasi ku daray in AMISOM maamulka Jubbaland u sheegtay inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin doorashooyinka Jubbaland,isla markaana marna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland  weli wax war ah kama soo bixin dhinaca Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.