Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyay jadwalka Geeddi-socodka Doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in nidaam iyo cadaalad sax ah lagu soo saaray jadwalka Doorashada 2016-ka.
Ban Ki-moon ayaa sheegay in arin lagu farxo ay tahay in Madaxda Soomaalida ay soo saaraan jadwalka Doorashada Soomaaliya 2016-ka iyadoo haatan dalka uu galayo safar dhinaca Dimuquraadiyadda ah.
Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya marba marka ka dambeysa uu ku sii talaabsanayo hormar dhinac kasta ah, waxaana uu intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso 30-ka Bisha October.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku sheegay in ay yihiin kuwo mar walba u taagan in ay kor u qaadaan aayaha Soomaaliya, sidoo kalena Qaramada Midoobey ay arintaasi garab ku siineyso.
Sidoo kale war qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Gudiga doorashada ay hubiyaan seddex meelood mel in kuraasta Baarlamaanka ay heleen haweenka, isagoo oo dhinaca kale uga digay dhammaan dhinacyada siyaasiyiinta talaaba kasta oo keeni karta dib u dhac.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo mudo Todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi laga soo saaray War-murtoyeed ay isku raaceen Madashii shirkaasi ka qeyb gashay.


