Kenya-RisaalaFM- War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay dowladda Kenya ka taageereyso xoojinta sugida amaanka dalkeeda si ay uga hor tagto weeraro ka dhaca dalkaas
Safiirka Maraykanka ee Kenya u fadhiya Robert Godec ayaa sheegay in xukuumadiisa ay sii wadeyso taageerada ay dowladda Kenya siiso ee la xariirta sugida amaanka waxaana safiirku sheegay in ay dowladda Kenya ka taageerayaan ka hortaga weerarada Al-shabaab ay ka geystaan dalkaasi.
Danjire Robert Godec ayaa waxa uu sheegay in ay jirto halis dhanka amaanka oo Al-shabaab ay ku hayaan dalka Kenya waxaana uu intaa ku daray in dawladiisu qaadeyso talaabooyin deg deg ah oo dowladda Kenya ay ku gacan siinayaan sugida amaankooda.
Safiirka waxa uu Kenya u balan qaaday tababaro la siinayo ciidamada amaanka dalka Kenya si loo helo amaan sugan oo dadka Kenya ay ku noolaadaan.
Safiirka Maraykanka waxa uu sidoo kale war saxaafadeedkiisa ku sheegay in halista Al-shabsab ee gobolka ay cadeyn u tahay weerarada ay dalka ka geystaan oo galaafta nolosha dad badan.
Maraykanka ayaa dowladaha ayaa dowladda dariska la ah Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa la dagaalanka Shabaab, waxaana Al-shabaab ay dagaal kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha garabka siiya.


