Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadi shalay ka digay in 20 Milyan oo ruux oo ku nool afar wadan oo ay Soomaaliya ku jirto ay qarka u saaran yihiin macluul, hadii aysan Bulshada Caalamka ka hortagin arrintaasi.
Mr. Guterres ayaa sheegay in Malaayiin ruux ay xaaladoodu hadda u dhaxeyso nafaqa darri iyo geeri, islamarkaana ay u nugul yihiin cuduro, halka kuwo kalana ay nafta ku qasabtay inay qashaan xoolahoodii si ay cunto uga dhigtaan.
Dhinaca kalana, bayaan Arbacadii shalay si wada jir ah ay magaalada Muqdisho uga soo sareen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia, ayaa si cad loogu qeexay xaaladda ay ku jiraan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta daba dheeraatay oo keentay macaluul dadka qaarkoodna ay nafaqo darro iyo cuduro is biirsaday u dhimanayaan.
Madaxdan ayaa bayaankooda ku saleeyay baaq ay u dirayaan Beesha Caalamka si loogu soo gurmado dadka ay waxyeeladu gaartay.


