Qatar oo Muqdisho kasoo dejisay diyaaradii labaad oo gargaar sidda

Diyaaradii labaad ee  siday gargaar ka yimid Dawladda Qatar ayaa maanta mar kale soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Gargaarka labaad ee dowlada Qatar uga qeyb qaadaneyso fatahaadaha Wabiyada dalka ayaa ah wejigii labaad waana deeq ka duwan tii hore oo ku koobneyd Agabka dhaxanta, maro kaniicooyinka, Maacuun iyo Daawo.

Guddiga gurmadka fatahaadaha Wabiyada oo Gargaarkaan la wareegay ayaa wada qorshe si deg deg ah gurmadkaan loogu gudbinayo gobolada fatahaaduhu ka jiraan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar waxaana uu sheegay in ay door wanaagsan ka qaadaneyso caawinta dadka ay saameyeen Fatahaada ee ku sugan dalka.