DHAGEYSO:- Qaraxyo Khasaaro Badan geestay oo ka dhacay Baydhabo

Wariyaheena Baydhabo ayaa soo sheegaya meelaha la qarxiyay inay ahaayeen goobo ay dadku si wayn isugu yimaadeen.

Wali lama oga tirada dadka dhintay laakiin waxaa jira warar sheegaya in isbitalka magaalada Baydhabo la dhigay in ka badan 30-ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Xaalada magaalada ayaa kacsan waxaana goobaha ay wax ka dhaceen isku gadaamay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka koofur galbeed.