Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dhaceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.
Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud xilliyada dabaaldegyada la adeegsado.
Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen.
Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.
Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.


