Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Walanweyn

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhimasho ah geystay oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo watay Mooto nooca fekon(dhugdhugleey) xilli ay marayeen duleedka degmada Walanweyn.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa saddex ruux  oo kala ahaa Lava Askari iyo qofkii waday Mootada oo Shacab ahaa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ku sugan duleedka degmada Walanweyn, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydadka,waxaana ilaa iyo hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas.

Inta badan degaannada iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa qaraxyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ah waxaa lala eegtaa Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda,waxana mas’uuliyada qaraxyadaas sheegta Al-Shabaab.