Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Turkiga

Qarax Khasaare geystay ayaa ka dhacay Magaalada Hakkari oo ku taalla Waqooyi Bari ee dalka  Turkiga.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi, waxaa ku dhintay Afar qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 5 qof.

Mas’uuliyiinta degaanka uu Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka dhaawacmay iyo kuwo dhintay ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada dowladda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay Qaraxaasi in ay ka dambeeyeen Kooxda Kurdiyiinta ee lagu Magacaabo PKK.