Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Kenya

Inta la xaqiijiyay 2 Carruur ah ayaa ku dhintay laba kalena waa ay  geeriyoodeen Qarax Miino ka dhacay Tuullo ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan maamulka  Mandera oo lagu magacaabo David Mbeki ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen Carruur ku cayaaraysay ,islamarkaana uu ka dhacay Tuuladda  Hareeralesa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay In qaraxaasi la dhigay Goob Qashin qub ah oo ay Carruurto ku cayaaraan.