DHAGEYSO: Xildhibaanada ka maqan Cadaado oo baaq loo diray

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Galmudug ee ka maqan Cadaado in ay soo xaadiraan .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Galmudug ay Geli doonto Marxalad cusub iyo sidoo kale doorasho Madaxweyne sidaas darteedna ay muhiim tahay in xildhibaanada Galmudug dhammaantood ay yimadaan Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Shalay isku raacay in 10 Bisha soo socota ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Waxaana jira xildhibaano badan oo ka maqan Magaalada Cadaado.