DHAGEYSO: Waa Immisa Xildhibaanada kasoo horjeeda Wasiirada Cusub?

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 105 xildhibaan ayaa waxaa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabay Wasiiro hareermarsan Awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa Risaala u sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda dib loogu laabto dhismaheeda.

Mudanayaasha kasoo horjeeda Wasiirada cusub badankood waxa ay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.