Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya  degmada Afgooyeee gobolka Shabeelaha  Hoose, ayaa sheegaya in qarax Khasaare geystay uu ka dhacay meel ay ciidanka fariisan jireen, iyadoo qaraxa nuuciisu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa khasaare u geystay dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda halka 6 ay yihiin dad shacab ah.

Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha dhanka amaanka weli kama aysan hadlin qaraxan.

Ciidamada amaanka ayaa wado howlgalo kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka, sidoo kalena lagu raadinaayo cidii qaraxaasi ka dambeysay.