Wararka Risaala ay ka heleyso Deegaanka Garas Baaleey oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday Ciidamo Booliska Soomaaliya kamid ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaraxa lala eegtay ay ku baxeyn oo ay baadi goobayeen, rag madaafiic kusoo tuuray qeybo kamid ah deegaanka Garas Baalleey oo xogtooda ay heleyn.
Ilaa iyo Saddex askari ayaa dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaraxaasi qabsaday gaari Cabdi Biile ah oo ay wateyn Ciidamada, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Raga madaafiicda ku tuuray deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay wateyn gaari nuuca raaxada ah oo Surf loo yaqaano waxaana u suurta gashay in ay baxsadaan.
Isla maanta waxaa madaafiic lagu soo tuuray agagaarka Xirada Xalane ee degmada Wadajir.



