Faah faahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Qarax khasaare gaystay, ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamada Jubbaland, kaasi oo maraayay duleedka Magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa Idaacada Risaala waxa ay u sheegeen in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana askarta ay waxyeelo soo gaartay.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, ayaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen, halka ay jiraan dhaawacyo kale ciidamada uu soo gaaray, waxaana ciidanka loola cararay isbitaal ku yaala Garoonka diyaarada Magaalada Kismaayo oo ciidamada Mareykanka isticmaalaan.

Ciidankan qaraxa lala eegtay ayaa la socday kolonyo gaadiid ah oo ciidamo Mareykanka ah ay saarnaayeen, kuwaasi oo xaalad indha indheyn ku maraayay duleedka Magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa miinooyin iyo qaraxyo ku aasa duleedka Magaalada Kismaayo oo ay isku dayaan inay ku dhibaateeyaan ciidamada.