Faah faahin dil ka dhacay Wadajir

Muqdisho-RisaalaFM- Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa lagu weeraray Gaari ay saarnaayeen Labo wiil oo walaalo ahaa, kuwaasi oo mid ka mid ah uu geeryooday halka midka kalena isaga oo dhaawac ah goobta laga qaaday.

Dabley Gaari wadatay ayaa la sheegay in ay ku horjareen Gaarigii ay wateen wiilashaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye.

Ilaa hada lama oga sababta ka dambeysay in la beegsado labadaasi wiil ee Gaariga watay, laakiin waxaa meesha ka baxsaday Dableydii weerarka geysatay.

Ciidanka amniga Dowladda Federaalka ayaa isku dayaya xaqiijinta Amniga Magaalada Muqdisho, iyada oo falal qorsheysan oo dilal ah Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.