Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar (Camey) oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay inuusan wax iska bedelin mowqifkii Puntland degaanadeeda ay uga mamnuucday Ururka Al-Saadicuun Bil Xaq.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal inuu si qaldan u fasiray kulan uu la qaatay masuuliyiinta ka tirsan Ururkaasi, islamarkaana aanan loo baahneyn in aanan la badalin mowqifka Puntland.
Wuxuu sheegay Al-Saadicuun Bil xaq in laga mamnuucay Puntland, sidoo kalena ay Puntland tahay Maamulkii ugu horeeyay ee Ururkaan Toosh ku ifiso.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, ayaa Saxaafadda u sheegay todobaadkaan in Ururka Al-Saadicuun Bil xaq uu la mid yahay Ururada dalka ka jira, kadib kulan ay wada qaateen xubno ka tirsan Ururkaasi.


