Muqdisho-RisaalaFM- Qarax khasaare geystay ayaa wuxuu ka dhacay Wadada Warshadaha gaar ahaan ka soo horjeedka xarunta Warshadda Biyaha Caafi ee Maagalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi bile ah oo maraayay wadada, hayeeshe gaariga ciidanka ay saarnaayeen wax Khasaare ah kama soo gaarin Qaraxaasi.
Inta la xaqiijiyay laba ruux oo Rag ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi kuwaasi oo saarnaa Gaari nuuca raaxada ah oo wadada Mareysay, kadib markii uu qaraxa saameeyay.
Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo goobta ka akdhowaa ayaa waxa ay fureen rasaas, sida uu Risaala u sheegay Qof ku sugan agagaarka Warshadda Caafi ee Wadada Warshadaha.
Wuxuu yiri “Qaraxa Miino ayuu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo wadada marayay ayaa lala damacsanaa, qaraxa markii uu dhacay ciidamada gaariga saarnaa wax ma gaarin, laakiin anaga waan kala cararnay markii aan soo noqonay ayaan arkayay laba ruux oo dhaawac ah.
Al-Shabaab ayaa mararka qaar Wadooyinka dhaca duleedyada Muqdisho ku aasa Miinooyinka ay ku bartilmaameedsadaan gawaarida ay wataan Ciidanka Dowladda, kuwa AMISOM iyo shaqaalaha u shaqeeya Xafiisyada Dowladda.
Inta badan Miinooyinka lagu aaso wadada dhinaceeda ayaa waxaa Khasaare uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee ka agdhaw goobaha Miinooyinkaasi lagu aaso.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxaa aad u adkeeyay Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta, kuwaasi oo feejignaan dheeri ah ku jira, inkastoo mararka qaar ay dhacaan falal ka baxsan amniga.


